Advertisements
Wararka

Al-Shabaab oo fagaare ku toogtay seddax muwaadin Kenyan ah deegaan hoos taga Baraawe…


Xarrakada Al-shabaab ayaa Arbacadii toddobaadkii hore meel fagaaro ah deegaan hoostaga degmada Barawe ee gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay toogasho ku dileen seddex muwaadiniin Kenyaan ah oo ay ku eedeeyeen in ay u basaasayeen ciidamada AMISOM iyo kuwa Mareykanka.

Seddexda ruux ee u dhashay dalka Kenya ee toogashada lagu dilay ayaa waxaa ka mid aheyd haweeney da’ dhaxaad ah, sidoo kale waxaa fagaaraha lagu toogtay labo ruux oo Soomaali ah oo ku eedeysana basaasnimo.

Ma’aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale Al-shabaab meel fagaaro ah ku toogtaan dad ay ku tuhusan yihiin in ay la shaqeeyaan dowladda Soomaaliya iyo ciidamada gacanta siiya ee AMISOM iyo Mareykanka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7156 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: