Advertisements
Wararka

Ciidamo ka tirsan dowlada oo weeraray xarunta Telefishanka Universal magaalada Mogadishu…


Ciidamo katirsan booliska Soomaaliya ayaa weeraray xarunta Telefishinka Universal ku leeyahay magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad dhex maray ciidamada booliska iyo Ilaalada xarunta Telefishinka.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in ciidamada booliska oo tagay xarunta Telefishinka iska hor imaad kala kulmeen Ilaalada xaruntaasi, waxaana mudo daqiiqado ah la maqlayay rasaasta labada dhinac is dhaafsanayeen.

Wariye katirsan Telefishinka Universal ayaa bartiia Facebook kusoo qoray in ciidamo katirsan booliska weerar kusoo qaadeen xarunta xili ay howlmaameedka caadiga ee Telefishinka kuguda jireen.

Ciidamo katirsan ilaalada Madaxtooyada ee Koofiya casta ayaa tagay xarunta Tv-ga oon sidaa uga fogeyn Madaxtooyada, waxa ayna ciidanka goobta ka wadeen ciidamada booliiska iyo ilaalada is xabadeeyay iyo sidoo kale qaar kamid ah shaqaalaha Tv-ga.

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay iska hor imaadka ka dhacay xarunta Telefishinka Universal, sidoo kale lama oga sababta keentay in ciidamada booliiska ay weeraraan xarunta Telefishinka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6334 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: