Advertisements
Wararka

Cali dheere oo sheegay sababta Hoteelada ay u weeraraan inay tahay xarumo laga soo abaabulo…


Ururka Al Shabaab oo muddooyinkii dambe beegsanaayay qaar ka mid ah Hotelada ku yaallo Magaalada Muqdisho, ayaa si toos ah u baneystay weerarada Hotelada.

Afhayeenka Shabaab Cali Maxamuud Raagge (Cali Dheere), ayaa sheegay sababta Hotelada ay u weeraraan inay tahay xarumo sida uu sheegay laga soo abaabulo dagaalada ka dhanka ah Shabaab.

“Meelaha Hoteelada lagu magacaabo Hoteelo ma ahan, ee waa lagu magacaabay Hoteel kaliya, meelaha aan weerarno waa xerooyin ciidan iyo xafiisyo nimaankaan ay deggen yihiin, waxaad ogaataan xamar Hoteelo waa ku yaalaan, Mujaahidiinta waxay weeraraan Hoteelo khaas ah”

“Hoteelada saxda ah ee shacabka deggen yihiin Ciid kuma wareegsana, ciidan kuma wareegsana, oo Juhdi Badan laguma bixiyo, laakiin meelaha la weerarayo waxaa ku wareegsan caagagta Amisom ay adeegsadaan oo caro laga buuxiyay, haddii ay marka meesha Hoteel tahay waxaas oo waardiye ah maxaa keena.”ayuu yiri Cali Dheere.

“Nimankaan Masuuliyiinta u ah dowlada, dhamaantood waa dad dibadaha nooga yimid oo baasaboor ajaaniib ah wata, mid kastaa wuxuu og yahay in afar sano kadib uusan soo laabaneyn, marka wuxuu rabaa in mid kastaa uu laabto isagoo lacag ku shubtay Account, midkii ciidan loogu dhiibo wuxuu rabaa inuu cuno, midkii degmo loo dhiibo wuxuu rabaa inuu lacagta cuno”ayuu yiri Cali Dheere.

Hadalka Afhayeenka Shabaab Cali Dheere ayaa wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo Khamiistii aan soo dhaafnay qarax gaari oo Shabaab ay ka fuliyeen Maqaayad ku taallo laamiga Maka Al Mukarama, halkaasina ay ku dileen dad shacab ah.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6334 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: