Advertisements
Wararka

Dhallinyaro ka danbeysay afduubkii markabkii badbaadinayey oo maxkamad la hor keenay…


Maxkamad ku taal Malta ayaa waxaa ka soo muuqday sadex wiil oo ka yar da’da 18 jirka oo lagu eedeeyay in ay ku kaceen fal argagixiso kadib markii ay door door muuqda  ka cayaareen fal afduub ah oo lagula kacay doon ka baxday xeebaha Liibiya.

Wiilashaan ayaa waxay ka mid ahaayeen 108 ruux oo magangalyo doon ah kuwaasi oo laga soo badbaadiyay todobaadkan xeebta u dhaxeysa Malta iyo Liibiya.

Kadib markii ay ka soo muuqdeen sabtidii shalay maxkamada magaalada caasimada ah ee Valletta, ayaa waxay beeniyeen in ay isku dayeen qalqal galinta taankiga shidaalka ee saaraan doonta.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in sadex-da wiil ay ku qasbeen naaquudaha waday doonta in uu u jiheeyo dalalka kale ee Yurub hadii kale ay quusin doonaan.

Sharciga Malta ayaa waxuu qorayaa in ay danbi tahay in si aan sharci aheyn lagu hago doomaha iyo maraakiibta ayna tahay ciqaab adag.

Magacyada wiilashan ayaa lagu kala sheegay Cabdala baari oo 19 jir ah kana soo jeeda dalka Guinea iyo laba wiil oo da’doodu tahay 16 jir iyo 15 una kala dhashay Guinea iyo Ivory Coast kuwaasi oo magacyadooda aan la xusin.

Labada wiil ee yar yar ayaa tilmaamay in ay dhiganayeen dugsiga sare,halka cabdul baari uu sheegay in uu baranayay cilmiga dhanka maskaxda ka hor inta uusan dalkiisa ka soo hayaamin.

Si kastaba ha ahaatee hadii lagu helo danbigaan ayaa waxay muteysan doonaan xabsi u dhaxeeya todoba ilaa iyo 30 sano.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7156 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: