Advertisements
Wararka

M/weyne Erdogan oo wajihi doona doorashadii ugu adkeyd tan iyo markii uu awooda la…


Malaayiin codbixiyeyaal ah oo u dhashay Turkiga ayaa maanta u dareeray doorashada dowladaha hoose ee deegaanada kadib olole soo socday todobaadyo kaasi oo siyaasiyiinta xoogga ku saareen amniga iyo dhaqaalaha.

Loolankaan ayaa waxaa uu u dhaxeyn doonaa madaxweynaha haya talada Recep Tayyip Erdogan oo hogaamiya xisbiga horumarka iyo cadaalada ee loo yaqaan (AK) iyo mucaaradka Turkiga.

Dowlada Erdogan ayaa tan iyo sanadkii hore la kulmeysay dhaleeceyn ku aadan hoos u dhaca dhaqaale iyo shaqa la’aanta heysata dhalinyarada oo aysan wax ka qaban.

Sida laga soo xigtay shirkada falanqeysa dhanka siyaasada ee Taha Akyol, madaxweyne Erdogan ayaa wajihi doona tijaabadii ugu adkeyd tan iyo markii uu la wareegay awooda sanadkii 2002-dii.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7156 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: