Advertisements
Wararka

Al-Shabaab oo soo bandhigtay magaca iyo qabiilka wiilkii isku qarxiyey Wasaarada Shaqada…


Al-Shabaab ayaa soo bandhigay magaca iyo qabiilka wiilkii waday Gaarigii ku qarxay Wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya.

Cod ay baahisay Idaacadda Al-Shabaab oo lagu sheegay in lagu wareystay wiilkaasi oo da’yar ahaa ayaa lagu sheegay in uu ka mid ahaa Jabhadda Al-shabaab ee ka dagaallanta Shabeellaha dhexe.

Magaca wiilka isqarxiyay oo 17 jir ahaa ayey Al-shabaab ku sheegeen Jimcaale Yare Shalabow oo ka soo jeeda Beesha Ogaadeen, degaan ahaanna waxaa uu degganaa deegaanka Salagle ee Gobolka Jubada hoose.

Weerarkii Wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada iyo Wasaaradda Howlaha guud ayaa waxaa uu dhacay 23-kii Bishii la soo dhaafay waxaana ku dhintay dad kor u dhaafayay 15 Qof.

Al Shabaab ayaa muddooyinkii dambe waxa ay kordhiyeen beegsiga ay ku hayaan Xarumaha dowladda ee Muqdisho.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7156 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: