Advertisements
Wararka

Kulankii Baarlamaanka ee loo balansanaa maanta oo mar kale kooram la’aan u baaqday…


Waxaa mar kale baaqday kulankii Baarlamaanka Somalia ee qorshaha uu ahaa in maanta uu ka qabsoomo Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho, sida Guddoonka uu shaaciyay.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maalintii Sabtida ee todobaadkan markii uu furmi waayay Kooramka Baarlamaanka Somaliya, ayaa loo balamiyay kulanka inuu qabsoomo maanta oo Isniin ah.

Saaka ayaa Gudoonka Baarlamaanka Somaliya wuxuu mar kale shaaciyay in kulanka uu baaqday sabab ku aadan Kooram la’aan, iyadoo aanan la soo tirin guntanka saxda ah ee Xildhibaanada soo xaadiri lahaay.

Qoraal la soo dhigay Bogga xiriirka Bulshada ee Golaha Shacabka Somaliya ayaa sidan lagu sheegay.

“Kulankii Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta oo Isniin ah loo balansanaa ayaa baaqday xaqiijin guntin (kooram) awgeed.” Ayaa lagu yiri qoraalka Golaha Shacabka.

Tani ayaa u muuqata qorshe la doonaayo in si rasmi ah loogu baajiyo shaqada xubnaha Golaha Shacabka Somaliya oo Xildhibaanada qaar ay ku eedeynayeen in Xukuumadda ay xagal daacinayso.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6334 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: