Advertisements
Wararka

M/weynaha Algeria Bouteflika oo iska casilay xilka M/weynenimo oo mudada dheer hayey…


Madaxweynihii Algeria Abdiaziz Bouteflika ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka Madaxweynenimo oo uu soo hayay 20-kii sano ee la soo dhaafay.

Sida uu shaaciyay TV-ga dowladda Algeria ayaa isaga haray doorashada madaxtinimo ee la filayo iney dhacdo 28-ka bishan April, isagoo hore u shaaciyay inuu doonayo inuu xilka qabto markiisii 5-aad.

Magaalooyinka waa weyn ee dalka Algeria waxaa durba is qabsaday banaanbaxyo waaweyn oo ay dhigayeen dadka diidanaa inuu xukunka sii hayo 82 sano jirka ah oo muddooyinkan fagaarayaasha aan ka soo muuqan, kaasoo ku socda gawaarida dadka lixaadkooda aan dhameystirneyn.

Go’aankan waxa uu daba socdaa todobaadyo mudaharaadyo waaweyn oo qaarkood ay rabshado wateen oo lagu doonayay inuu tartanka isaga haro madaxweynaha, iyadoo Taliyaha Guud ee Ciidanka Algeria hore u sheegay in Odaygan uusan xafiiska sii fadhin karin.

Abdiaziz Bouteflika ayaa Algeria hogaaminaayay tan iyo 1991.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6334 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: