Advertisements
Wararka

Taliska Booliska Somalia oo uga digay shacabka gaari lagu soo raray waxyaabaha qarxa…


Taliye ku-xigeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Zakiya Xusseen Axmed oo  shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa uga digtay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho gaari walxaha qarxa lagu soo raray oo la doonayo sida ay hadalka u dhigtay in shacabka lagu dhibaateeyo.

‘’Waxaan rabnaa inaan heegno in uu jiro gaari nooca TAYOTO ah oo walxaha qarxa lagu soo raray oo la doonayo in dadka lagu dhibaateeyo, shacabka waxaan uga digeynaa gaarigan noocan ayey tiri’’ waxaana ay la wadaagtay muuqaalka gaariga.

Sidoo kale waxaa ay intaa ku dartay in deegaanka Weydoow ee dulleedka Muqdisho ka soo saareen walxaha qarxa.

Waa markii ugu horeysay oo dowladda Soomaaliya ay bulshada la wadaagto sawirka nooca gaari ay sheegeen in walxaha qarxa lagu soo raray kuna dhuumaaleysanaya sida ay hadalka u dhigtay degmooyinka gobolka Banaadir.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6334 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: