Advertisements
Wararka

Caruur waalidkood aan la socon oo ku dhibaateysan xerada Al-Hool ee gobolka Xasakah Syria…


Boqolaal caruur ah oo ku nool xeryo qaxooti oo ku yaal waqooyiga Bari Suuriya ayaa wajahaya waalid la’aan sida ay sheegtay hey’ada laanqeyrta Cas.

Caruurtaan ayaa ku barakacay dagaaladii ugu danbeeyay oo dhexmaray kooxda Daacish iyo ciidanka la magac baxay Dimuquraadiga Suuriya.

Bisha cas ayaa sheegtay in caruurtaan ay ku sugan yihiin xerada Al-Hool oo hooy u ah ku dhowaad 100 ilaa 80 kun oo qof kuna taal gobolka Xasakah.

Madaxa sare ee hey’ada ICRC Peter Maurer ayaa sheegay in ay ku howlan yihiin iyaga oo kaashanaya xukuumada Suuriya sidii loo heli lahaa waalidka Caruurtaan.

Bishii la soo dhaafay ayey aheyd markii Qaramada Midoobay ay sheegtay in tiro caruur ah oo waalidkooda la socon ay qabow iyo siyaabo kale ugu geeriyoodeen xeryaha barakacayaasha.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7156 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: