Advertisements
Wararka

R/wasaare May iyo Jeremy Corbyn oo ka wada hadlay sidii looga heshiin lahaa ka bixida EU…


Ra’isul wasaaraha UK Theresa May ayaa kulan la qaadatay hogaamiyaha mucaaradka Jeremy Corbyn si loo soo afjaro fikirka kala duwan ee labada dhinac ee ku aadan ka bixitaanka Midowga Yurub.

Kulanka oo socday mudo laba saacadood Arbacadii shalay ayaa la isku raacay in labada xisbi ay sii wadaan wadahadalada si xal mideysan ay uga gaaraan ismarin waaga u dhaxeeya.

Corbyn ayaa wareysi uu siiyay Tv-yada UK uu sheegay in isbadal uusan jirin ka mucaarad ahaan xagooda balse looga baahan yahay Ms May in ay u istaagto sidii siyaasad cad ay ula imaan laheyd.

Waxyaabaha ay labada dhinac ka wada hadleen ayaa waxaa ka mid ahaa dhanka Ganacsiga Xaduuda iyo deegaanka iyo macaamilka ay UK la lahaan doonto kadib marka ay ka baxdo ka mid ahaanshaha Midowga Yurub.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7156 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: