Advertisements
Wararka

Caasimada Libya ee Tripoli oo laga cabsi qabo in dadka rayidka ah lagu dul dagaalamo…


Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal xoogan uu ka qarxo daafaha magaalada caasimada ah ee Tripoli ee dalka Liibiya kadib amar khamiistii shalay ka soo baxay sargaalka hogaamiya ciidanka ku sugan magaalada Benghazi ee dhacda bariga Liibiya oo lagu magacaabo Khalifa Haftar.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isugu yeeray kulan deg deg ah oo looga arinsanayo xaalada iyo dagaalka sanadaha qaatay ee ka socda Liibiya.

Aroornimadii hore ee Jimcaha maanta ayaa dhanka kale wakaalada wararka ee AFP waxay tabisay in ciidanka dowlada ee Qaramada Midoobay taageerto ee ku sugan magaalada caasimada ah loo daabulay duleedka Liibiya.

Khalifa Haftar.jpg

Arrintan khatarta ah ee ka soo ifbaxday dalka Libya ayaa waxaa u jooga inuu dhexdhaxaadiyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres magaalada Tripoli.

Khamiistii shalay ayey aheyd markii ciidanka uu hogaamiyo Genaraal Haftar ay la wareegeen gacan ku heynta magaalada Gharyan oo 100 kiilo mitir dhanka koonfureed kaga beegan caasimada Tripoli.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6959 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: