Advertisements
Wararka

Ciidamada Kumaandooska Somalia oo dagaal kula wareegay deegaan u dhow degmada Jamaame…


Wararka ka imaanaya Kismaayo ayaa sheegaya in Ciidamada Kumaandooska ee DANAB oo ay wehliyaan Ciidamo ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa saaka howlgallo ka bilaabay deegaano ka tirsan Jubbada Hoose.

Sida wararku sheegayaan ciidamada ayaa dagaal kula wareegay deegaanka Malayley oo u dhow degmada Jamaamo, waxaana howlgalka xooggiisa ka socda deegaanka dhaca Jiinka Wabiga Jubba.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa sheegay in Al-Shabaab kala wareegeen goobo ay waxyaabaha qarxa ku diyaarinayeen, sida miinooyinka wadada lagu aaso.

Dadka deegaanka ayaa soo warinaya in rasaas laga maqlayo deegaanada Ciidamada howlgalka ka wadaan ee hoostaga Jamaame.

Maamulka Jubbaland iyo Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa dhowr jeer oo hore sheegay inay bilaabayaan dagaalo ka dhan ah Al-Shabaab oo looga xoreynayo Jubbooyinka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6334 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: