Advertisements
Wararka

Ms May ayaa codsi u dirtay M/weynaha Midowga Yurub oo dalbatay in la siiyo waqti…


Ra’isul wasaaraha Britain Theresa May ayaa warqad u dirtay jimcaha maanta ah Madaxweynaha Midowga Yurub Donald Tusk oo ay uga codsaneyso in dib loo dhigo ka bixitaanka UK ee Midowga.

Ms May ayaa sheegtay in ay dooneyso in dalkeeda la siiyo ilaa dhamaadka bisha lixaad ee June ayna isku diyaariyaan inta ka horeyso.

Codsiga Ms May ayaa imaanaya iyadoo madaxweyne Tusk uu sheegay in UK la siin doono mudo sanad ah si ay uga soo fikirto ka bixitaanka Midowga.

UK ayaa ugu danbeyn la filayay in ay ka baxdo dalalka reer Yurub 29-kii bishii hore ee Maarso balse waxaa arintaan caqabad ku noqday ismarin waaga ka taagan Aqalka wakiilada.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6959 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: