Advertisements
Wararka

Taliska Booliska oo faahfaahin ka bixiyey qarax khasaare geystay oo xalay ka dhacay…


Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyay qarax khasaaro geystay oo xalay fiidkii ka dhacay afaafka hore ee xarunta dugsiga Tababarka ee Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Taliye ku-xigeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sareeye guuto Zakia Xusseen Axmed ayaa sheegtay in ay jiraan dhaawacyo 8 ruux oo 4 ka mid ah ay qabaan dhaawacyo fudud iyo burbur ganacsiyo yar-yar,

Waxaa ay sheegtay in qaraxii xalay uusan sababin wax khasaare nafeed ah marka laga soo tago dadka dhaawacmay.

Qaraxan xalay ayaa dhacay xili magaaladu kala xiran tahay oo xitaa aan la ogoleyn in gaadiidka dadweynaha isaga kala gudbaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Dugsiga tababarka Jen Kaahiye ee xalay lagu weeraray Qaraxa ayaa ka mid ah xarumaha dowladda ee sida weyn loo ilaaliyo oo xitaa marmarka qaar ku shiraan xildhibaannada labada Aqal ee Soomaaliya.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7156 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: