Advertisements
Wararka

Kulan deg deg ahaa oo looga tashanayey halista sii kordheysa dagaal ka dhaca dalka Libya…


Diblomasiyiinta ku sugan xarunta Qaramada Midoobay ee New York ayaa kulan degdeg ah ku leh xaruntaasi iyaga oo ka tashanaya halista sii kordheysa ee ku aadan iska hor-imaad xoogan oo milatri oo ka dhaca dalka Libya.

Kulanka ayaa la dalbaday kaddib markii xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterras uu sheegay in wadahadaladii uu la yeeshay taliyaha ugu awooda badan milatriga Libya general Khalifa Haftar aysan miradhalin.

Milatargia General Haftar ayaa bilaabay khamiistii guluf colaadeed oo ay dib uga qabsanayaan goobaha xukuumadda Midnimo ee Libya ee Qaramada Midoobay ay taageerto.

Xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres, ayaa sheegay in wadahadalo uu la yeeshay taliyaha ugu awooda badan milatriga Libiya ay kusoo dhamaatay bilaa natiijo.

Balse General Haftar ayaa lasoo sheegayaa inuu u sheegay Antonio Guterres in ciidamdadiisa ay kusii jeeedaan magaalada Tripoli, uuna sii wadi doono dagaalka ilaa inta uu ka jabinayo argagixisada.

Mr Guterres ayaa dhankiisa ku celiyay in Qaramada Midoobay ay ku taagan tahay fududeynta helida xal siyaasadeed oo looga gudbayo colaadan iyo taageerada dadka Libya.

Balse wuxuu sheegay inuu ku guuldareystay inuu ku qanciyo general Haftar joojinta weerarka uu ku qaadayo xukuumada caasimada Libya, isaga oo bartiisa twiterka soo dhigay inuu Libya isaga tagyo isaga oo ka niyad jabsan waxa dhacaya.

Waxaa lasoo sheegaya in dagaalka u dhexeeyo ciidamada general Haftar iyo dagaalyahanada taabacsan xukuumada Libya uu ka soconaya meel 50 kiilo mitir u jirta koonfurta caasimada Tripoli.

Beeesha caalamku ayaa aqoonsan xukuumada fadhigeedu yahay caasimada Tripoli, halka general Haftar uu ku xoogan yahay beriga dalkaasi Libya.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6334 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: