Advertisements
Wararka

Kulankii xasaasiga ahaa ee Golaha Shacabka oo ku soo xirmay buuq iyo sawaxan…


Waxaa goor dhow soo xirmay kulankii Golaha Shacabka Somalia, kadib markii buuq iyo Sawaxan uu hareeyay Golaha Baarlamaanka oo Xildhibaanada ay ku kala qaybsameen arrinta ku aadan Saxaafadda.

Xildhibaanada qaar ayaa soo jeediyay in Saxaafadda Banaanka loo saaro, halka Xildhibaanada qaarna ay si adag uga soo horjeesteen in Saxaafadda Banaanka loo saaro.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia ayaa cod galiyay in Saxaafadda ay goobjoog ahaato ama in banaanka loo saaro, balse markii codeynta la qaaday ayaa la sheegay in Gudoomiyaha hal dhinac kaliya uu codkooda go’aan ku qaatay.

Xildhibaan Ahmed Macalin Fiqi, ayaa wuxuu sheegay inaysan marnaba ogolaaneyn in la afduubto Baarlamaanka, sidoo kalena waxa ay si adag uga soo horjeesteen in Saxaafadda madaxa banaan dibadda loo saaro.

Sida uu buuqa uga dhex taagnaa Xarunta Golaha Shacabka Somalia, ayaa ugu dambeyn waxaa la soo xiray kulankii Baarlamaanka, iyadoo aanan la gaarin wax natiijo ah.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Somalia, ayaa mas’uuliyad darada maanta ka dhacday Xarunta Golaha Shacabka waxa ay dusha u saareen Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6334 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: