Advertisements
Wararka

M/weyne Farmaajo oo xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka arrimaha dibada ee Eritrea…


Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea iyo La Taliyaha Madaxweynaha Eritrea, kuwaasoo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wafdiga ayaa Madaxweyne Farmaajo soo gaarsiiyay farriin iyo salaan ay uga sideen dhiggiisa dalka Eritrea Isaias Afwerki, iyaga oo sidoo kale warbixin ku saabsan booqashadoodii ay ku tageen Somaliland la wadaagay Madaxweynaha.

Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo wafdiga reer Eritrea ayaa waxa lagu lafo-guray arrimaha gobolka, dardargelinta  isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika iyo sidii ay labada dal isaga kaashan lahaayeen dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Safarka wafdiga Eritrea ee magaalada Muqdisho waxa uu dabo socdaa booqashooyin ay hore ugu yimaadeen Soomaaliya oo looga gol leeyahay xoojinta xiriirka labada dal iyo sare u qaadidda wadashaqaynta labada dowladood.

Madaxweynaha waxaa kulankan ku wehliyay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad iyo Danjire Cali Saciid Faqi.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6959 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: