Advertisements
Wararka

Mareykanka oo qirtay duqeymo ay ka fuliyeen Somalia in dad rayid ah ay ku dhinteen…


Mareykanka ayaa qirtay duqeymo ay bisha April Soomaaliya ka fuliyeen diyaaradahiisa aan duuliyaha lahayan ay ku dhinteen dumar iyo carruur.

Waa marki ugu horreysay oo uu Mareykanku qirto iney duqeymaha diyaaradihiisa ay fuliyeen ay ku dhinteen dad rayid ah tani iyo marka uu Soomaaliya ka billaabay duqeymaha dhinaca cirka ah.

Toddobaad ayaa ka soo wareegtay xilliga uu Mareykanka uu ku gacan seydhay eedeeymaha ay u soo jeedisay hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International iyada oo sheegtay shan duqeymo oo kala duwan uu Mareykanka ka fuliyey iney ku dhinteen 15 qof oo rayid ah.

Duqeymaha dhinaca cirka ee ka dhanka ah Ururka al-Shabaab oo uu Mareykanka ka fuliyo Soomaaliya uu ka bilaabay 2011-kii xilliga uu dalka Mareykanka uu Madaxweyne ka ahaa Barack Obama.

Inta xilka loo doortay Madaxweyne Donald Trump waxaa sii laba jibbaarmay weerarrada uu Mareykanka Soomaaliya ka fuliyo.

Mareykankana mar sii horreeyey wuxuu sheegay weerarada uu ka fuliyey Soomaaliya inuu ku dilay 800 oo ka mid ah dagaallamayaasha ururka al-Shabaab, wuxuuna ku adkeystay iney jirin dad rayid ah oo weeraraadaasi wax ku noqday.

Balse shir jaraa’id oo ay jimcihi qabteen Saraakiil ka tirsan ciidamada Mareykanka ay ku sheegeen in baaritaan gudaha ah ay billaabeen kadib marki ay hay’adda Amnesty ay warbixin ku saabsan duqeymaha ay soo gaarsiisay aqalka congreskana uu wax ka weydiiyey.

Madaxa Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ku sugan Africom General Thomas Waldhauser, ayaa amar ku bixiyey in baaritaan arrimahaasi ku saabsan la sameeyo gaar ahaanna dadka rayidka ah ee la sheegay iney duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyey Soomaaliya ay ku waxyeelloobeen.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6796 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: