Advertisements
Wararka

Dibadbaxyo aad u culus oo lagu beegay maalintii la inqilaabay Nimeiry oo ka dhacay Sudan…


Dibadbaxyaal aad u badnaa ayaa markii ugu horeysay isugu tagay afaafka xarunta milatariga qaranka ee caasimada Khartuum.

Mudaaharaadayasha ayaa kusoo beegay dibadbaxan xuska sanad guuradii 34aad ee kasoo wareegatay inqilaabkii lagu tuuray madaxweyne hore Jacfar al-Nimeiry ee 6da April.

Dibadbayadan oo soconayay dhowr bilood ayaa markii hore ka dhashay sare u kac ku yimid qiimaha maciishada.

Dibadbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay ciidamada iyo shacabku waa mid waxaa ay ugu baaqeen ciidamada Miltariga dalka Sudaan in ay ku soo biiraan ololaha ka dhanka ah madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir.

Goobjoogayaal ku sugnaa meel u dhow xaruunta Ciidamada ayaa sheegay in askarta qaarkood aysan ka hor tagin dibad baxayaasha,hasa yeeshee ciidamada ayaa dibaxyo ka dhacay deegaano kale u adeegsaday bannaan baxayaasha gaaska dadka ka ilmeysiiya iyaga oo qaarna xir xiray.

Waxaa la rumeysanyahay in mudaharaadyadaan ay yihiin kuwii ugu waaweynaa tan iyo markii dalkaasi Sudan bannaanbaxyadu ka bilowdeen Bisihii December.

Balse ugu yaraan Al-Bashiir ayaa wali u muuqda mid ku adkeysanaya go’aanka ah in la xakameeyo dibadbaxyada.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6334 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: