Advertisements
Wararka

Howlgal lagu soo qabtay hub al-Shabaab ugu keydsanaa deegaanka Ceelasha Biyaha…


Howlgal Ciidamada Booliska ay ka sameeyeen deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa waxa ay ku soo qabteen hub badan oo Shabaab ay ku aaseen deegaankaasi.

Howlgalkaan ayaa Ciidamada waxa ay sheegeen inay ku soo qabteen kaydkii ugu waynaa ee Shabaab hub ku aasaan, kaasi oo laga helay Xaafadda Daaroole ee deegaanka Ceelasha Biyaha.

Taliye Ku xigeenka Ciidamada Booliska Somaliya Gen. Zakia Xuseen oo Saxaafadda la hadashay, ayaa waxa ay sheegtay in Ciidamada ammaanka ay heleen xogta ku aadan kaydka hubkaan, kadibna ay soo saareen.

Waxa ay sheegtay hubkaan inuu isugu jira Jaakadaha Qaraxyada, Miinooyinka & maadooyinka Qaraxyada laga sameeyo ee Shabaab isticmaalaan.

Dadka deegaanka ayey sheegtay inay ka heleen xogta ku saabsan kaydkii ugu waynaa ee hubka Shabaab ee ugu qarsanaa deegaanka Ceelasha Biyaha.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6942 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: