Advertisements
Wararka

Imaaraadka oo muwaadinkeeda uga digtay inay u safraan dalal ay ka mid tahay Somalia…


Wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan Soomaaliya, iyadoo ka cabsi qabto weeraro iyo afduub loo geysto dalxiisayaasha u dhashay dalkeeda.

Walaacan cusub ee dhinaca amniga ah ayaan ku koobneyn Soomaaliya oo kaliya, balse waxaa ku jira 10 dal oo kale oo u badan qaarada Afrika, iyadoo dalalka Brazil iyo Ukraine la sheegay in amnigooda hadda la isku haleyn karo, taasoo keentay in laga saaro meelaha khatarta uga imaan karta.

Digniintan cusub ee ka soo baxday Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay in la gaarsiiyay dhamaan Safaaradaha Imaaraadka Carabta uu ku leeyahay dalalkan, waxaana muwaadiniinta hada dalalkaas ku sugan la faray inay deg deg ula xiriiran safaarada, si haddii wax dareemaan degdeg gurmad ugu helaan.

Wadamada laga digay in loo safro ayaa kala ah Madagascar, Democratic Republic of the Congo, Yemen, South Sudan, Afghanistan, Somalia, Pakistan, Syria, Nigeria, Iraq iyo Libya, iyadoo madaxda dalalkaas wali arintan aysan ka hadal.

Pakistan oo ku jirta liiska dalalka ay Dowladda Imaaraadka carabta ka digtay in muwaaddiniinteeda ay u safraan ayaa haddana dadka Imaaraadka waxey Visaha Pakistan ku heli karaan Online-ka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6334 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: