Advertisements
Wararka

Mareykanka oo ku daray liiska argagixisada ciidamada ilaalada ee kacaanka Iran…


Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa liiska argagixisada Mareykanka ku daray ciidanka ilaalada kacaanka ee dalka Iran kuwaas oo lagu magacaabo “IIran’s elite Revolutionary Guard Corps (IRGC)”.

Trump ayaa ciidankan ku tilmaamay kuwo argagixiso, waana markii ugu horreysay taariikhda in Mareykanku uu liiskiisa argagixisada ku daro ciidan dhan oo waddan kale leeyahay.

Iran oo jawaab-celin ka sameysay arrinkan ayaa iyana ciidanka Mareykanka ee ku sugan bariga dhexe ku tilmaantay kuwo argagixiso ah islamarkaana liiskeeda argagixisada iyadana ku dartay.

Ciidanka Iran ee liiska argagixisadu ku daray Mareykanka ayaa ah kuwo ka madaxbannaan ciidamada kale ee Iran, waxaana ay u xilsaaran yihiin ilaalinta amniga iyo madaxda dalkaasi, waxaana loo unkay arrintaasi darteed.

Mareykanka iyo Iran ayaa xiisaddoodu cirka isku sii shareertay kadib markii madaxweyne Donald Trumo uu ka baxay heshiis maamulkii Obama iyo Midowga Yurub, Shiinaha iyo Ruusyhka la galeen dowladda Iran kaas oo ku aadanaa hubkeeda nukliyeerka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6334 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: