Advertisements
Wararka

Trump oo ugu baaqay Uganda in cadaalada la hor keeno kuwii ka dambeeyey afduubka…


Madaxweyne Donald Trump ayaa ugu baaqay in dowlada Uganda ay cadaalada horkeento kuwii ka danbeeyay afduubka gabar Mareykan ah iyo darawal la socday oo todobaadkii hore ka dhacay Uganda.

Trump ayaa Isniinta maanta ah ku soo qoray bartiisa Twitter-ka cadaalada si deg deg haloo keeno afduubayaasha si dalxiisayaasha ay u dareemaan nabad iyo Xornimo.

Kimberley Sue Endecott oo 35 jir Mareykan ah iyo darawalkii waday ayaa laga soo badbaadiyay dabley todobaadkii hore ku afduubatay meel u dhow xerada xayawaanaadka ee Queen Elizabeth oo dhacda dhanka koonfur Galbeed ee wadanka Uganda.

Sanadkii 1999 ayey aheyd markii sidan oo kale ay kooxo burcad ah ay u afduubteen dalxiise u dhashay Mareykanka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6334 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: