Advertisements
Wararka

M/weynaha Mareykanka oo Aqalka cad ku soo dhoweeyey M/weynaha dalka Masar…


Madaxweynaha Masar Cabdil Fatah Al-Siisii ayaa la kulmay dhigiisa Mareykanka Donald Trump.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa ammaan ku hurgufay El Sisi, wuxuuna sheegay inuu yahay madaxweyne weyn, wuxuu afka ka xirtay inuu ka hadlo dhibaatada xuquuqul insaanka ee dalka Masar.

Wuxuu ku daray in Madaxweyne El sisi uu wax weyn ka qabtay la dagaalanka argagixisada.

Booqashada Sisi ee aqalka cad ayaa noqon doonta midii labaad tan iyo markii uu xilka la wareegay sanadkii 2014-ka.

Xiriirka u dhaxeeya Qaahira iyo Washington ayaa ahaa mid adag dowladii Obama, balse xukuumada Trump oo la filayay in ay la timaado wax ka qabashada xadgudubka xuquuqda aadanaha ayaa u weecatay xoojinta dhanka Gashaandhiga iyo xiriirka labada Dal.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6959 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: