Advertisements
Wararka

M/weyne Ruuxaani oo cambaareeyey go’aanka Mareykanka ee Ilaalada Kacaanka…


Madaxweynaha dalka Iiraan xasan Ruuxaani ayaa cambaareeyay go’aankii Mareykanka uu ugu daray ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan liiska waxa loogu yeero Argagixisada.

Ruuxaani oo ka soo muuqday Tv-ga dowlada ayaa sheegay in aan la aqbali karin hadalka ka soo yeeray Mareykanka.

Dhanka kale waxaa uu tilmaamay in Washington ay tahay dowlad u taagan in marwalibo ay kooxaha Argixisada ka abuurto Bariga Dhexe.

Hogaamiyaha Iiraan ayaa sheegay in dalkiisa uu dadaal ku bixiyay la dagaalanka kooxda Daacish ee dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

Hadalka Mareykanka waxaa uu xoojin doonaa iskaashiga shacabkeena iyo awooda ciidanka kacaanka oo u taagnaa difaaca dalka tan iyo sanadkii 1972-dii ayuu yiri.

Mareykanka ayuu ugu danbeyn ku dhaliilay in uu marwalba u taagan yahay carqaladeynta amniga Gobolka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6334 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: