Advertisements
Wararka

Tirada kiisaska cudurka jadecada oo ku sii kordhaya gudaha dalka Mareykanka…


Waxaa sii kordhaya tirada kiisaska la xiriira cudurka jadeecadda ee laga helayao gudaha dalka Mareykanka, iyadoo saraakiisha gobollada qaar ay arrintani ku qasbeyso in ay qaadaan tallaabooyin aanan caadi aheyn.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in kiisaska ilaa iyo hadda la diiwaangeliyay ee ah carruurta uu ku dhacay cudurka jadeecada ee dalka Mareykanka ay mareysa 465, halka todobaadki hore ay ka aheyd 387 kiis.

Duqa magaalada New York, Bill de Blasio ayaa Talaadadi shalay xaalad deg deg ah ku soo rogay afar xaafadood oo ay ku badanyihiin bulshooyinka yahuudda ee diinta ku adag, xaafadahaas oo ku yaalla degmada Brooklyn. Dadkaani qaar ayaa diiday in ay tallaalaan carruurtooda.

Wuxuu amar ku bixiyay, in dadka ku nool qeybo ka mid ah degmada Brooklyn looga baahnaan doono, in ay qaataan tallaalka loo yaqaano MMR si looga hortago faafista cudurka jadeecadda.

Magaalada New York oo kaliya waxaa laga helay 285 kiis oo cudurka jadeecada ah, waana tirade ugu badneyd tan iyo 1991.
VOA

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6334 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: