Advertisements
Wararka

Munaasabada aasaaska Ciidanka Xoogga dalka oo lagu wado in ay Mogadishu ka dhacdo…


Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho ka dhacdo Munaasabada 59-guuradii ka soo wareegatay markii la aas aasay Ciidanka Xoogga dalka ee 12-ka April oo ku beegan maalinta berri oo Jimco ah, iyadoo maanta oo Khamiis ah la soo hormariyay.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka qeyb galaya Saraakiisha Ciidamada qalabka sida, Taliyeyaasha Ciidamada, Madaxda dowladda Federaalka iyo marti sharaf kale.

Ciidamada xoogga dalka ayaa la filayaa inay ku soo bandhigaan dhoolatus, waxaana munaasabadda ka dhici doontaa Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa saaka aad loo adkeeyay, iyadoo la xiray waddooyin dhowr ah oo ciidamo badan ku sugan yihiin.

Lama oga sababaha maalin ka hor looga soo hormariyay Munaasabadda Ciidanka xoogga dalka oo ku beegneyd maalinta berri oo jimco ah oo inta badan magaalada iska ah maalin fasax ah.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6334 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: