Advertisements
Wararka

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta lagu wado in ay ka hadlaan xaalada Ammaanka…


Xildhibaanada golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan xaruntooda magaalada Muqdisho , kulanka ayaana ajandaha looga hadli doono noqon doona xaalada ammaanka.

Gudoonka golaha shacabka ayaa ku wargaliyay Xildhibaanada in ay kulanka kasoo qeyb galaan ayna ilaaliyaan waqtiga, waxa uuna Gudoonka shaaciyay in ajandaha uu wali yahay ka doodista ammaanka dalka.

Kulankii ugu dambeeyay ee Xildhibaanada golaha shacabka isugu yimaadeen ayaa buuq kusoo dhamaaday, waxaana hadda la sheegay in Xildhibaanada xal ka gaareen xiisadihii hore laguna heshiiyay in nidaamka la ilaaliyo.

Kulanka maanta looga doodayo ammaanka ayaa la sheegay in loo ogolaaday in Warbaahinta goob joog ka noqdaan, Xildhibaanada ayaana si adag uga doodi doona xaalada ammaan ee dalka gaar ahaan Muqdisho.

Dooda Xildhibaanada kadib ayaa la filayaa in kulanka xiga ay yeelanayaan ay ku hor imaan doonaan Wasiirada Amniga , Gaashaandhiga iyo taliyaasha ciidanka si ay su’aalo uga jawaabaan, waxaana kulankaasi aan loo ogolaan doonin ay baahiyaan Saxaafada.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6959 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: