Advertisements
Wararka

Duqeyn culus oo lagu dhuftay gaari ay saarnaayeen hogaamiyayaal ka tirsan Daacish…


Wararka ka imanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in duqeyn culus duhurnimadii maanta ay ka dhacday tuulada Xiriiro ee 3 KM u jirta degmada Iskushuban ee gobolka Bari, sidaas waxaa sheegay mas’uuliyiinta amniga Puntland.

Sida wararku sheegayaan duqeynta waxaa geysatay diyaaradaha Mareykanka, kuwaasoo Saddex gantaal ku dhuftay gaari yar oo nooca raaxada ah oo ay saarnaayeen Hoggaamiyayaal katirsan Kooxda Daacish ee ka dagaalanta deegaanada Puntland.

Wasiirka Amniga maamulka Puntland C/ Samad Maxamed Gallan ayaa Warbaahinta gudaha u xaqiijiyay in duqeyntaas lagu dilay Cabdixakiin Dhoqob oo ah Kuixgeenka Hoggaamiyaha ugu sareeya Daacishta Somalia, warar kale waxa ay sheegayaan in sidoo kale duqeynta uu ku dhintay Sarkaal kale oo Daacish ah.

Mareykanka ayaa beegsada saldhigyadda al-­Shabaab iyo Daacish si lamid ah gaadiidka ay ku socdaalayaan xubnaha ama horjoogayaasha ururadaasi, Xukuumada cusub ee uu hogaamiyo Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa balanqaaday in ay cagta marin doonto xoogagaas, isla markaana amniga Puntland ay siin doonto ahmiyadda koowaad.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6334 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: