Advertisements
Wararka

Fahad Yaasiin: Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo damiintay rag Shabaabnimo loo xiray…


Sii hayaha xilka Taliyaha NISA ahna Taliye kuxigeenka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo shalay ka hor-hadlayay Kulanka Baarlamaanka ayaa sheegay in 39% ay jiraan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka 10aad ay damiinteen rag Al-Shabaab ahaan loo soo xiray.

Agaasime kuxigeenka oo su’aalo lagu weydiiyay kulanka Amniga ee Baarlamaanka ayaa sheegay inay jiraan Rag Al-Shabaab ahaa oo ay damiinteen Xildhibaanada oo dib ugu laabtay Al-Shabaab, isagoo xusay in haddii la daba geli lahaa aan Xildhibaanka loo yeeri karin, maadaama uu xasaanad leeyahay.

Waxaa uu sheegay in si wax looga qabto arrimaha Amniga loo baahan yahay in la meel mariyo sharciyo muhiim ah oo hor-yaala Baarlamaanka.

Baarlamaanka Federaalka ayaa illaa iyo hadda meel marin sharciyada la dagaalanka Argagixisada iyo Sharciga Xakameynta Hubka oo horay u soo meel mariyeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya.

Xildhibaan Zakariye Gaashaan ayaa weydiiyay mid ka mid ah su’aalihii ugu kululaa, taasoo uu ka carooday Taliye kuxigeenka, kana dalbaday inuu raalli gelin ka bixiyo, maadaama su’aal shaqsi ah uu weydiiyay, hase ahaatee uu Xildhibaanka markii dambe diiday.

Kulankii shalay looga hadlayay amniga ee uu yeeshay Baarlamaanka ayaa su’aalo lagu weydiiyay Wasiirada Gaashaandhigga, Amniga, Taliyeyaasha Ciidamada, iyadoo su’aalaha ugu badan uu ka jawaabay Sii hayaha Taliyaha NISA Fahad Yaasiin oo ah nin aan inta badan fagaarayaasha ka soo muuqan, iyadoo tagitaankiisa Baarlamaanka ahaa arrin aad loo hadal hayay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6334 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: