Advertisements
Wararka

Isutagga Xirfadleyda Sudan oo weli ka soo horjeeda in militariga xukunka sii hayo…


Aasaasayaasha ugu waaweynaa ee banaanbaxyadii ka socday Sudan ayaa ugu baaqay Miltariga xukunka afgambiga uga riday todobaadkii hore madaxweynihii dalkaasi soo xukumayay 30ka sano, Cumar Xassan Al-Bashiir inay talada ku wareejiyaan dowlad rayid ah.

Axaddii shalay, ayaa Golaha milatariga waxay sheegeen inay soo magacaabi doonaan Ra’isul Wasaare iyo gole wasiiro oo rayid ah, oo ka caawiya maamulka dalkaas, laakiin aysan qof rayid ah u magacaabi doonin xilka madaxweynaha Sudan.

Afhayeen u hadlay Milaratiga ayaa sidoo kale sheegay in Golahan aysan qorshaha ugu jirin inay hor istaagaan dadka dibad baxayada weli sii wada.

Weli macadda in dadka banaan baxayaa oo dalbanayay in milatarigu uu si deg deg ah oo shuruud la’aan ah uu xukunka ku wareejiyo ay ku qanci doonaan dhawaqa ka soo yeeray milatariga iyo in kale.

Isutagga Xirfadleyda Sudan, oo baaqyada lagu doonayo xukumad rayid ah horseed ka ahaa ayaa shacabka dalkaasi ku booriyay inay isugu soo baxaan dibad baxyo dheeri ah ilaa inta dalabkooda laga aqbalayo.

Banaanbaxyo soo bilowday 19kii December ee sanadkii hore oo looga soo horjeeday Madaxweynihii hore Cumar Xassan Al-Bashiir ayaa todobaadkii hore keenay in milatarigu uu soo farageliyo oo uu xukunka ka tuuro al-Bashiir.

Laakiin miltariga ayaa sheegay in xukunka dalkaasi ay sii heyn doonaan muddo laba sano ah, taasoo weli ay inta badan shacabka Sudan ka soo horjeedaan.
VOA

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6334 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: