Advertisements
Wararka

Militariga Mareykanka oo xaqiijiyey duqeyn lagu dilay hogaamiye ku xigeenka Daacish…


Milateriga Mareykanka ayaa xaqiijiyay Isniintii shalay inuu qaaday duqeyn lagu bartilmaameedsaday hoggaamiye kuxigeenka Kooxda Daacish ee Soomaaliya.

War ka soo baxay Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyn ka dhacday meel ku dhow tuulada Xiriiro ee Gobolka Bari lagu dilay Abdihakim Mohamed Ibrahim oo loo yaqaanay Dhoqob, kaasoo ahaa Hoggaamiye kuxigeenka Daacish.

AFRICOM ayaa sheegtay in Ibrahim uu mas’uul ka ahaa howlgalada maalinlaha ah iyo qorsheynta weerarada ay geysato Kooxda Xagjirka ah ee Daacish.

Abdihakim Dhoqob ayaa ahaa gacanta midig ee Sheekh C/qaadir Muumin, waxaa uu ka soo muuqday muuqaalo kooxda baahisay, isagoo ku sugan buuraleyda Gobolka Bari.

Wasiirka Amniga Puntland Abdisamad Gallan ayaa sheegay in Abdihakim Dhoqob iyo nin la saarnaa gaariga lagu dilay duqeyn diyaaradeed, inkastoo aan la aqoonsan qofka la saarnaa gaariga.

Kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa waxaa hoggaamiye ka ah Sheekh C/qaadir Muumin oo horay uga soo goostay Al-Shabaab, waxaana uu bishii October sanadkii 2015 uu la galay bayco Hoggaamiyaha Daacish Abubakar Al-Baqdaadi.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6334 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: