Advertisements
Wararka

Nin Soomaali ah oo dilay gabar ay wada socdeen ayaa lagu xukumay xabsi daa’in dalka Sweden…


Maxkamad ku taalla magaalada Gothenburg ee dalka Sweden ayaa xabsi daa’in ku xukuntay nin Soomaali ah oo dilay gabar uu Saaxib la ahaa sanadkii hore 2018.

Yuusuf Shiiraar Xuseen oo 35 jir ah ayaa lagu soo eedeeyay inuu dilay gabadhaas, kaddib markii ay isku dayday inay xiriirka u jartay.

Waxaa uu Maxkamadda ka hor qirtay inuu dilay gabadha, una adeegsaday dilkeeda bir uu kala dhacay madaxa iyo feeraha.

Meydka gabadha ayaa laga helay gurigii ay deganeyd, waxaana Booliska ay sheegeen inuu ka muuqday jirdil xooggan.

Ninkan ayaa la sheegay in markii uu dilay kaddib uu la xiriiray Booliska, kadibna ku wargeliyay dhacdada dilka ah.

Dhacdooyinka dilalka ah ee Ragga Soomaalida u geystaan Haweenka ayaa ku soo kordhaya dalalka reer Galbeedka, waxaana dhowaan ay aheyd markii Mareykanka ay ka dhacday labo dhacdo oo naxdin ah oo labo nin Soomaali ku dileen xaasaskooda.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6334 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: