Advertisements
Wararka

Hooyada dhashay gabar yar oo kufsi iyo dil loogu geystay Gaalkacyo oo weli cadaalad sugeysa…


Hooyada dhashay Caa’isha Ilyaas Aadan oo ahayd gabar yar oo kufsi fool xun iyo dil loogu gaystay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegtay in wali sugayaan in cadaalada la horgeeyo ragii falkaasi foosha xun ka dambeeyay.

Hooyada oo Warbaahinta kula hadashay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegtay in gurigeeda ugu yimaadeen daraad saraakiil katirsan laanta Dambi baarista Puntland, waxa ayna sheegtay in mar kale weydiiyeen halkii lagu dilay gabadheeda iyo meesha lasoo dhigay.

Waxa ay sheegtay Hooyada dhashay Caa’isha in Saraakiisha in ay weydiiyeen su’aalo horey loo weydiiyay maalintii la helay meydka gabadheeda, waxa ayna xustay in lagu wargaliyay in mar kale dib loo baarayo kiiskaasi oo mudo baaristiisa ay socotay.

“In ay noo yimaadaan laba bilood kadib ayna nasoo xusuusiyaan waxay noola mid tahay geeri kale, Ragga gabadheyda kufsaday ee qashay waa la yaqaan, si degdeg ah maxkamad haloo soo taago,” ayey tiri hooyada dhashay Caa’isha

Hooyadan ayaa caddaalad-darro ka sheegatay dowladda Puntland gaar ahaanna mas’uuliyiinta magaalada Gaalkacyo iyadoo dalbatay in caddaalad loo sameeyo gabadheedii saqiirka ahayd ee sida foosha xun loo dilay.

Maamuka Puntland ayaa la sheegay in uu ka meer meerayo in cadaalada la horkeeno dadka la tuhmayo in ay ka dambeeyeen dilka iyo kufsiga loo geestay gabadha yar, waxaana dadkii loo xiray kiiskan qaarkood la sheegay in si hoose loo sii daayay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6334 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: