Advertisements
Wararka

Kooxaha Ajax iyo Barcelona oo u soo gudbay wareega semi-finalka Champions League…


Lionel Messi ayaa Barcelona ku hogaamiyay in ay ka soo gudubto quarter-final-ka Champions League isagoo dhaliyay labo gool kulankii ku dhex maray Manchester United Talaadadii Camp Nou ee wareega quarter-finalka Champions League.

Barca ayaa u awood sheegatay mar kale kooxda Manchester United, waxaana ay dib u soo cusbooneysiisay guushii ay ka gaareen horyaalka Champions League oo labada wareeg uga badiyeen 4-0.

Messi oo ku hogaamiyey.jpg

Barcelona ayaa la kulmi doonta semi-finalka kooxda ka soo baxda Liverpool iyo Porto oo ciyaari doona maanta oo Arbaco ah.

Dhinaca kale Kooxda kubada cagta ee Ajax Amsterdam oo si la yaab leh ugu soo baxday semi finalka Champions League, kadib markii Talaadadii oo marti u aheyd kooxda Juventus uga soo badisay 2-1 wareeg dhamaadka quarter finalka, iyada oo horey uga soo gudubtay kooxda Real Madrid kana reebtay tartanka.

Ajax ayaa soo gaartay wareega semi-finalka Champions League iyadoo isku darka goolasha ku soo baxday 3-2, ka dib markii ay barbaro ku dhamaatay lugtii hore ee lagu dheelay guriga Ajax.

Kooxda Ajax ayaa la kulmi doonta semi finalka kooxda ka soo baxda Tottenham iyo Manchester City oo kulmi doona Maanta oo Arbaco ah.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6796 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: