Advertisements
Wararka

Maxkamada Gobolka Banaadir oo bilowday dhegaysiga dacwada dilkii Axmed Dowlo…


Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa maanta ka bilaabatay dhageysiga dacwad loo heysto dad lagu soo eedeeyay iney ka danbeeyeen dilkii iyo gubidii degmada Yaaqshid loogu geystay nin garaashle ahaa oo lagu magacaabi jiray Axmed Mukhtaar Saalax (Axmed Dowlo).

Saraakiisha Maxkamada gobolka Banaadir ayaa sheegay in dadka dilkaasi arxan darada ah loo heysto ay yihiin todobo ruux oo rag iyo dumar isugu jira, kuwaasoo bilihii u dambeeyay ku jiray gacanta laamaha ammaanka, balse maanta la guda galay dhageysiga kiiskooda.

Garyaqaan Muuse Macallin Maxamed oo ah Guddoomiyaha Maxkamada gobolka Banaadir ee kiiskan qaadeysa ayaa guddoominaya fadhiga maanta ee Maxkamada, lama oga mudada ay ku soo dhamaan doonto dhageysiga kiiskan loo heysto todobada qof oo hal qoys u badan.

Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ku reer ah qoyska dilkaasi geystay ayaa sanadkii hore dhowr jeer isku dayay in qaab damaanad ahaan uga sii daayaan xabsiga todobada qof ee dambigaas u xiran, balse waxaa arrintaas ka hor istaagay hay’adaha Garsoorka dalka.

Si kastaba, Maxruum Axmed dowlo ayaa 20-kii bishii September 2018 lagu dilay Garaash uu ku lahaa Xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, waxaana dilkiisa ka dambeeyey Waalidiinta Gabar uu guursaday Wiil uu Adeer u yahay, iyada oo loo dilay sababo la xiriira heybsooc.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6334 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: