Advertisements
Wararka

Banaanbaxayaasha reer Sudan oo xoolo ku qashay afaafka hore ee xarunta Militariga…


Banaanbaxayaasha dalka Sudan ayaa wali wada dabaaldega guushii ay ka gaareen ololihii xilka looga tuuray madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir.

Dibadbaxayaasha ayaa xoolo ay iska soo aruuriyeen ku gowracay maalintii labaad afaafka hore ee xarunta dhexe ee wasaarada difaaca oo ku taal magaalada Khartuum.

Xoolaha la gowracay ayaa isugu jira lo’ iyo ari waxaana loo qeybiyay dibadbaxayaasha.

Dhanka kale shacabka iyo xisbiyada mucaaradka ayaa dalbanaya in milatariga uu u soo gacan galiyo xukunka si loo helo dowlad rayid ah oo ay yeelato Sudan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6528 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: