Advertisements
Wararka

Manchester City oo ka aarsatay Tottenham kulankii horyaalka Premier League…


Manchester City ayaa qabatay hogaanka horyaalka Premier League si ku meel gaar ah kadib markii ay 1-0 uga badisay kooxda Tottenham Hotspur maanta oo Sabti ah, waxay hogaanka ku qabatay 86 dhibcood, iyada oo ay ka sareyso hal dhibic kooxda Liverpool.

Liverpool ayaa ku soo laaban doonta hogaanka horyaalka haddii ay garaacday Cardiff City kulanka beri oo Axad ah.

Dhibcaha Tottenham ayaa ku joogsaday 67 dhibcood oo ay ku jirto kaalinta 3aad, halka hal dhibic ay ka sareyso kooxaha Arsenal iyo Chelsea, iyada oo khatar ugu jirta in ay lumiso kaalinteeda 3aad ee horyaalka.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee da’da yar Phil Foudin oo 18 jir ah, ayaa dhaliyay goolka Man City daqiiqadii shanaad.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6959 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: