Advertisements
Wararka

Booliska dalka Gariiga oo gacanta ku dhigay Tahriibayaal u badnaa Soomaali…


Booliska dalka Gariigga ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen ku dhawaad 60 qof oo Muhaajiriin ah, kuwaasi oo gacanta lagu dhigay iyaga oo dalkaas sharci darro ku galay.

Booliska ayaa gaariga ku qabtay magaalada Thessaloniki ee dalka Gariigga, Gaariga ayaa watay ruqsad dalka Bulgaria ah iyo Taargo la xaday oo dalka Bulgaria ka diiwaangashan taas oo la raadinaayay.

Kala bar dadkaas waxaa ay u dhasheen Soomaaliya, halka inta kale ay ka soo kala jeedaan dalalka kala ah Afghanistan, Bangladesh, Egypt, Eritrea, Iraq, Palestine iyo Sudan.

Tahriibayaasha ayaa Booliska u sheegay in qofkiiba $1,690 doollar ay ka qaateen kuwa dadka Tahriibiya oo dhinaca Turkiga doon uga gudbiyay Gariigga si ay Yurub inteeda kale u sii galaan.

Waxaa gacanta lagu dhigay Darawalkii Gaariga waday Tahriibayaasha kaas oo u dhashay dalka Bulgaria, waxaana uu hadda ku jiraa gacanta Booliska.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6533 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: