Advertisements
Wararka

Dad Soomaali ah oo si arxan daro ah loogu laayey tuulo ka tirsan Gobolka Sitti ee Itoobiya…


Waxaa lasoo xaqiijiyay magacyada 11 qof oo Soomaali ah oo si arxan darro ah loogu laayay tuulada Madan oo katirsan degmada Afdam ee Gobolka Sitti.

Waxaa kale oo lasoo sheegayaa in dhaawac ilaa 4 qof ay jiraan kuwaas oo dhaawacoodu halis yahay.

Raggan la laayay ayaa sida wararku sheegayaan loo galay meel lagu magacaabo Madan oo ka tirsan degmada Afdam ee Gobolka Sitti. waxaana Raggan laayay Ciidanka Booliska Canfarta. mana cadda sababta ka dambaysay raggan in sidaa arxan darada ah loo laayo halmar.

Dhanka dowladda degaanka Canfarta ma jirto wax war ah oo ka soo baxay oo ku saabsan arrintan dilka ah.

Inta badan xuduuda labada degaan ee Canfarta iyo Soomaalida ayaa ahaa mid muddooyinkii dambe ay ka jireen dhibaatooyin iyo colaad aan joogsi lahayn, taas oo sababtay in Shacab Soomaali ah lagu laayo ama lagu dhibaateeyo tuulooyinka ku dhow xadka labada degaan, waxaa xusid mudan in Ciidanka Qaranku dhawaan ay ka ururiyeen Shacabka qoryihii ay haysteen, taasna ay ka dambaysay in maanta sidan loogu xasuuqo dad Shacab ahaa.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6528 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: