Advertisements
Wararka

Maamulka Puntland oo ka soo horjeestay sharciga doorashooyinka ee la ansixiyey…


Maamulka Puntland ayaa ka soo horjeestay sharciga Doorashooyinka iyo kan Axsaabta Siyaasadda ee ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya.

War Saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimoqraadiyeynta Puntland ayaa lagu sheegay inay ka soo horjeedaan go’aanada aan waafaqsaneyn Dastuurka ee ay Xukuumadda Federaalka ku tallaabsatay.

“Dowladda Puntland waxay ka digeysaa ficilada Madaxda dowladda Federaalka isku gaar yeeleyso talada iyo go’aanada Masiiriga ah ee dalka, sida geeddi socodka dhameystirka Dastuurka, hannaanka xasilinta iyo Amniga dalka, qeybsiga awoodaha iyo kheyraadka dalka, doorashooyinka iyo dhismaha Cadaaladda”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

Go’aanka Puntland kaga soo horjeesatay tallaabooyinka dowladda Federaalka qaaday ee la xiriira sharciga doorashooyinka iyo sharciyada kale ee dalka ayaa ku soo beegmaya, iyadoo maalinta Sabtida uu ka furmayo Garowe shir wadatashi ay leeyihiin dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6528 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: