Advertisements
Wararka

Mareykanka iyo Ruushka oo lagu wado inay ka wada hadlaan xiisada ka jirta Venezuela…


Xoghayaha arimaha dibeda Mareykanka Mike Pompeo ayaa qorsheynaya in uu kulan la qaato dhiggiisa Ruushka todobaadka soo aadan taasi oo ku saleysan dhibaatada ka jirta Venezuela.

Sargaal ka tirsan waaxda arimaha dibeda Mareykanka ayaa u sheegay in Pompeo iyo Sergey Lavrov ay sii ambaqaadi doonaan wada xaajoodka ku aadan xaalada dalkan ku yaal koonfurta Ameerika marka ay ku kulmaan dalka Finland.

Xubintaan ka mid ah wasaarada amuuraha dibeda ayaa ka gaabsaday in uu faahfaahin ka bixiyo waxa laga hadlayo.

Dowlada Mareykanka ayaa horay u taageertay hogaamiyaha mucaaradka Juan Guaido, halka xukuumada Ruushka ay saaxiib dhow la tahay madaxweyne Nicolas Maduro.

Shalay ayey aheyd markii Mareykanka uu sheegay in lagama maarmaan ay noqon doonto in faragalin milatari uu sameeyo hadii uu xilka ka tagin hogaamiyaha haya Talada.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6528 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: