Advertisements
Wararka

Dowlada Suuriya oo ka hor timid in Turkiga uu maamulo qeybo ka mid ah Dalka Suuriya…


Wasiir ku xigeenka arimaha dibeda Suuriya Feysal Miqdaad ayaa shaaciyay in dowlada Dimishiq aysan aqbali doonin in Turkiga uu sii maamulo qeybo ka mid ah Suuriya.

Waxaa uu sheegay in aysan raali ka aheyn ciidanka Turkiga ee ku sugan xadka labada dal ay wadaagaan iyo maleeshiyada uu taageero ee ku sugan gobolka waqooyi Galbeed.

Turkiga waa in uu ogaada in Idlib ay ka mid tahay Suuriya lagana doonayo in uusan fara galin madax banaanida dalkaan Carbeed.

Xilli uu la hadlayay Tv-ga Mayadeen ee dalka Lubnaan ayuu sheegay in taageerada Turkiga iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada oo uu ka wado Idlib aysan hubaanti ka dhigi Karin xasiloonida Suuriya.

Suuriya ayaa ugu danbeyn ugu digtay Mareykanka in uu joojiyo taageerada uu siinayo maleeshiyada Kurdida ee ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Deyru Suur.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6528 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: