Advertisements
Wararka

Kuuriyada Waqooyi oo maanta Bariga dalkeeda ku tijaabisay gantaalo nooca ridada gaaban ah…


Dowlada Kuuriyada Waqooyi ayaa la sheegay in maanta oo sabti ah ay tijaabisay gantaalo nooca riddada gaaban ah, waxaana tijaabadan ay ka dhacday magaalada Wonsan oo kutaala bariga dalka Kuuriyada Waqooyi.

Madaxa shaqaalaha ciidanka Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in saakay Waqooyiga Kuuriya tijaabiyeen tiro gantaalo nuuca ridada dhaxe ah, waxa uuna sheegay in gantaalo xiriir ah ay tijaabisay Kuuriyada Waqooyi.

Dowlada Kuuriyada Waqooyi ayaan wali wax war ah kasoo saarin gantaaladan la sheegay in ay tijaabisay, gantaalada riddada gaaban xadgudub kuma aha cunaqabateynadii caalamiga ah ee saarnaa barnaamijka gantaalada.

Tijaabinta hubka nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi ayaa imaanaya kadib markii uu fashilmay heshiiskii dhinaca Nukliyeerka ee u dhaxeeyay dowladaha Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6528 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: