Advertisements
Wararka

Norway oo sharciga degenaanshaha kala laabtay dadka ku biiray kooxda ISIS ee Suuriya…


Wasiirka caddaaladda Norway Jøran Kallmyr ayaa shaaca ka qaaday in dowladdu ay kala laabatay sharciga degenaanshaha muwaadiniinteeda dagaalka u aaday dalka Suuriya islamarkaana ku biiray kooxda ISIS.

Go`aankan ayaa khuseeya oo keliya dadka haysta sharciga degenaanshaha Norway ee aan laheyn baasaboorka weyn ee dalkaasi.

” Dadkani waa dad aad khatar ugu ah nabadgelyadeenna iyo nolosheenna, waxaan idiin caddeynayaa in aysan kusoo laabaneynin dalka oo ay gacan ka heli doonin dowladda, taasi waa hubaal”, ayuu yiri wasiir Jøran Kallmyr mar uu shalay ka hadlayay shirweynaha xisbigiisa ee Fremskrittspartiet.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Norway ay ilaa iyo iminka waajib ku aheyd in ay soo qaaddo oo ay dalkeeda ku celiso xubnaha kaga sugan dalka Suuriya ee dagaalka u aaday halkaas haddii ay sharci rasmi ah leeyihiin iyo haddii ay degenaansho ay haystaanba.

Tiro rasmi ah ma uusan sheegin wasiirka oo go`aankan cusub uu saameyn doono, balse waxa uu sheegay in ay badan yihiin.

Tan iyo markii lasoo “afjaray” dagaalka ISIS ee Suuriya ee dhammaan dhulka laga wada qabsaday kooxda ISIS ayaa waxaa soo baxay boqollaal haween, carruur iyo dagaalyahanno ka kala yimid waddamada reer galbeedka ama sharciyadooda haysta kuwaas oo in muddo ah lagu wareersanaa sida laga yeelayo.

Iminka inta badan waddamadaasi ayaa qaadaya “muwaadiniintooda” islamarkaana ku sameynaya dhaqancelin.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7382 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: