Advertisements
Wararka

Raggii ku eedeysnaa Kufsiga iyo Dilka Caa’isha Ilyaas oo bilaabatay dhageysiga dacwadaha loo…


Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa saakay ka bilaabatay dhageysiga dacwadaha loo heesto 10-nin oo lagu soo eedeeyay kufsi iyo dil argagax leh oo magaalada Gaalkacyo loogu geestay Caa’isha Ilyas oo aheyd gabar yar oo 12-sano jir ah.

Dhageysiga dacwada Eedeesanayaasha ayaa xiligan ka socota hoolka xarunta gobolka Nugaal, waxaana hoolka dacwada lagu dhageysanayo ku sugan Wasiiro katirsan Puntland, ehelada Caa’isha, ehelada eedeesanayaasha iyo dad kale oo dacwada dhageysanaya.

Hoolka ay ka socoto dhageysiga dacwada waxaa lagu soo bandhigay sawiro iyo qoraalo la xiriira kiiska kufsiga iyo dilka Caa’isha Ilyaas, waxaana goobta ku sugan qareeno u doodaya Qoyska Caa’isha iyo kuwa difaacaya eedeesanayaasha.

Ku-xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud Maxamuud Xareed oo soo oogay dacwada ayaa maxkamada ka hor aqriyay magacyada Eedaysanayaasha loo haysto kiiska dilka ee Caa’isho Ilyaas.

Kufsiga iyo dilkii argagaxa lahaa ee loo geestay Caa’isha Ilyaas oo aheyd 12-jir ku nooleyd magaalada Gaalkacyo ayaa gil gilay quluubta shacabka Soomaaliyeed, waxaana la dalbaday in cadaalada la horkeeno eedeesanaaashii falkaasi geystay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7382 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: