Advertisements
Wararka

Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin duleedka Mandhera…


Dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab, ayaa weerar ku qaaday Saldhig Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin duleedka Magaalada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.

Weerarka ayaa si gaar ah uga dhacay inta u dhaxeysa deeganada Carabiya & Mandhera, kadib markii ciidamo abaabulan oo Shabaab ka tirsan ay fuliyeen weerarkaasi.

Ciidamada Kenya ayaa la sheegay in khasaare lagu gaarsiiyay dagaalkaasi ay soo qaadeen Shabaab, islamarkaana intii uu dagaalka socday lagu dilay askar Kenyati ah oo ku sugnaa deegaanka weerarka uu ka dhacay.

Saldhiga la weeraray ee nawaaxiga deegaanka Carabiya, ayaa saacado waxaa gacanta ku haayay Al Shabaab, inkastoo markii dambe ay isaga baxeen deegaankaasi oo ay dib uga laabteen.

Al-Shabaab ayaa warar ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxa ay ku sheegeen in saldhiga Ciidamada Kenya ee ku yaalla meel u dhaw Magaalada Mandhera ay weerareen, isla markaana ay la wareegeen.

Sarakiisha Ciidamada Kenya ee Gobolka Waqooyi Bari dalkaasi weli kama hadlin weerarka Al-Shabaab ku qaadeen Saldhigga ciidamadooda ku leeyihyiin inta u dhaxeysa Magaalada iyo deegaanka Carabiya.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7382 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: