Advertisements
Wararka

Kulankii maanta loo ballansanaa ee Golaha Shacabka oo u baaqday kooram la’aan…


Waxaa maanta Kooram la’aan u baaqday kulan ay xaruntooda ku lahaayeen Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo loogu balansanaa Xeerka Batroolka.

Kulanka baaqday oo ahaa kii 11-aad ee Kalfadhigan 5-aad ayaa waxaa soo xaadirtay 132 Xildhibaan, halka ay maqnaayeen 143 kale, sidaas waxaa ku dhawaaqay Gudoomiyaha golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Gudoomiye Mursal ayaa sheegay in Todobo Mudane ay u baahnaayeen si fadhiga uu u furmo balse aysan iman, taasoo keentay in Xildhibaanada ay iska soo kala yaacaan.

Mursal waxa uu sheegay in Xildhibaanada iyagoo Muqdisho jooga aysan soo xaadirin fadhiyada Baarlamaanka, wuxuuna tilmaamay in Xeerka Batroolka ee maanta lagu balansanaa in kulanka lagaga arinsan doono maalinimada Arbacada ah ee todobaadkan.

Arinta layaabka leh ee fadhiga maanta ka dhacday ayaa ah in Hab-Dhowraha Baarlamaanka Maxamed Xasan Nuux uu baarlamaanka ka hor aqriyay magacyada Xildhibaanada maqan iyo kuwa soo xaadirtay kulanka maanta.

Si kastaba, Xeerka Batroolka ayaa si gaar ah isha loogu hayaa, iyadoo Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaare Kheyre ay dadaal badan ugu jirto sidii uu sharcigan u meel mari lahaa, Baarlamaankana uga gudbi lahaa.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7382 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: