Advertisements
Wararka

Maxkamada Ciidamada oo sideed sano xarig ah ku riday askari ku eedeysnaa dhac…


Dable Axmed Maxamed Xuseen oo katirsan Ciidamada Amniga gaar ahaan Booliska ayaa siyaaba kala duwan dhac ugu geystay dad rayid ah oo uu u galay waddada xilliya kala duwan qeyba kamid ah degmada Kaaraan gaar ahaan Xaafadda Jamhuuriya.

March Tobankeedii Sanadkan ayay Ciidamada amniga kasoo qabteen Xaafadda Jamhuuriye xilligaasi oo uu gacmaha kula jiray dhac uu u geysanayay qaar kamid ah bulshada ku dhaqan xaafadaasi.

Todoba qof oo dhibana u ah ayaa iska diiwaan geliyay galka cabashada Ciidamada Amniga ee degmada Kaaraan kuwaasi oo ka cabanayay dhac uu u geystay Dable Booliis Axmed Maxamed Xuseen.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa horkeenay Maxkamadda ilaa todoba dhibane oo dhammaan dacwad ka ah eedeysanaha oo siyaaba kala duwan uga qaatay teleefanadooda isaga oo ku labisan dareeska ciidamada amaniga, waxa ay sidoo kale horkeeneen Maxkamadda qorigii uu dhacca ku geysan jiray eedeysanaha iyo Qiraalkiisa.

Maanta ayay Maxkamadda Ciidamada Go’aan kasoo saartay Eedeysane Dable Axmed Maxamed Xuseen oo katirsan Ciidamada Amniga, waxa ayna Maxkamadda Ku xukuntay Sideed Sano (8) oo Xabsi Ciidan ah sida uu u sheegay Warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad waxaa ka furan Rafcaan hadii aysan ku qancin dhinacyada dacwadda.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6528 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: